TACSI - INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Anigoo ku hadlaya magacayga, anigoo ah Safiir Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee Ingiriiska, iyo magaca guud ahaan Xafiiska Somaliland UK Mission, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, Jaaliyadda Somaliland ee West Midlands, iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdillaahi Fariid, oo ahaa Guddoomiyihii Jaaliyadda Somaliland ee West Midlands, UK, oo maanta lagu dilay magaalada Birmingham.
Alle ha u naxariistee, Cabdillaahi Fariid wuxuu ahaa haldoor, hoggaamiye bulsho, iyo shakhsi ku suntanaa daacadnimo, dadaal, karti hoggaamineed, aragti fog iyo aqoon. Wuxuu door muuqda ka qaatay u adeegidda jaaliyadda Somaliland, isaga oo ku suntanaa hawlkarnimo, xilkasnimo iyo u heellanaanta midnimada iyo horumarka bulshada.
Waxaan si gaar ah u qirayaa wanaaggiisii, dadaalkiisii, daacadnimadiisii iyo hoggaamintiisii ku dhisnayd aragti iyo aqoon. Runtii, Cabdillaahi wuxuu ka mid ahaa dadka qiimaha weyn ku leh bulshadooda, kuwaas oo raadkooda wanaagsan iyo xusuustoodu ay sii noolaadaan geeridooda ka dib.
In kasta oo geeridiisu ay tahay tiiraanyo iyo murugo weyn, haddana xusuustiisa, wanaaggiisa iyo raadkii uu bulshada kaga tegay waxay ku sii jiri doonaan qalbiyadeenna.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dembigiisana dhaafo, naxariistiisana u waasiciyo. Waxaan sidoo kale Alle uga baryayaa inuu qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan bulshada uu ka baxay ka siiyo samir iyo iimaan.
Alle ha u naxariisto marxuum Cabdillaahi Fariid. Aamiin.
Safiir Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee Ingiriiska (UK)
Maxmed Carbab Wacays